top of page

Nancy Hartevelt Kobrin, Ph.D.

Psychoanalyst Counter Terrorist Expert

Welcome

The prologue to violence is early childhood.  I make explainable the violent nonverbal language of the jihadis which I call Jihadese. It reveals a rage that exceeds murder itself, as if it were serial killing.  Jihadese holds the key to political terrorism. Jihadese shows that the rage is not of this time, not of this place.  A deep dive into their psyche reveals this. Let's dive right in by exploring my work.

On the ground

Clinic, Military, Police, Educators

About

A psychoanalyst who becomes a counter terrorist expert delving into the mind and body language of the jihadi is a rarity. This is what I do - one of the deepest dives to date, to the best of my knowledge, into the mind of the jihadi. Having taught military and police, I realized that they do not have the opportunity to study early childhood development which is critical in order to understand why jihadis do the violent things that they do. They have a rage that exceeds murder itself. They annihilate the other and produce body parts as in serial killing. They are the tip of the spear. Also ontributing editor Weekly Blitz https://www.weeklyblitz.net/about-us/.

About
The Backstory

The Backstory

Waxaan alifay aragti fikradeed (humaag) oo aan ku sharaxo sababaha miyir la’aaneed ee ka dambeeya weerarada ismiidaaminta Islaamiyinta oo aan ku leeyahay waxay jecelyihin dhimashada isku duubnida ah, si cadna waxay u jecelyihiin geeri wada jir ah. Taasina waxaa ay ka duwan tahay qaab nololeedka wada noolaanshada ah; bal adigu is barbar dhig labo sawir oo kala ah hooyo uur leh ama hooyo ilmo yar oo dhallaan ah haysata.

By Doïna Harap with a cameo appearance of Dr. Kobrin

Jihaad 

Qaamuskayga aan ugu magac daray “deep dive” waxuu daboolka ka qaadayaa qaabka gaarka ah oo aan hadalka ahayn ay jihaadiyiintu u wada xiriiraan. Waxay igu qaadatay sideed sano in aan qoro qaamuuskaan jihaadiyiinta. Waxaa uu muhiim u yahay ciidamada, laamaha amniga, dowladda iyo qof kasta oo danaynaya in uu wax ka barto. Qaamuuskan waxaa dib u eegis heer sare ah oo dhanka luuqada Jarmalka ah ku sameeyay mid ka mid ah wargaysyada ugu caansan ee dalkaas oo la yiraa Journal Psyche . Ilaa hada qaamuskan waxaa loo turjumay luuqadaha Faransiiska oo uu turjumay Joëlle Perelberg iyo luuqada Spanishka oo ay turjuntay jaamacaada La Universidad de Granada


Qaamuuskan waxaa uu cilmi ahaan hoos tagaa daraasaadka ka hortagga argagixisada gaar ahaan xiliga koritaanka ilmaha yaryarka ah. Cabsidu ma ahan argagixiso. Argagaxu waa mid qoto dheer, xili hore bilaabatay oo an hadal ahayn. Jihaadiyiintu waxay kuwada hadlaan qaab u gooni ah. Ma dareemaan argagaxisanimadooda. Waxay noqdaan argagaxa. Anaga ayay nagu talaaleen. Iska aamusi codka ka baxaya shaashadda hortaada ah. Is waydii adigu maxay jihaadiyiintu sheegaayan? 


​Qaamuuskan miyuu ku kaalmeeyay? Tusaale, qaamuskan wuxuu hadda gacanta ugu jiraa qareenada Faransiiska oo dadaallo ugu jiro sidii ay caddaaladda u horkeeni lahaayeen dembiilihii dilay Sarah Halimi sanadkii 2017. Dambiilahaas waxa la yiraa Kabili Traoré waxaa uuna cabsanaa maandooriye. Waxaa lagu yaqaanay ninkaas in uu isticmaali jiray maandooriyeyaal kala duwan sida xashiishadda. Xashishaddu hub ayay u tahay jihaadiyiinta. Xashiishadda ayaa eray ahaan ugu jirta qaamuuskayga. Dhab ahaantii erayga "assassin" waxaa uu ka soo farcamay erayga “xashiish.”

​

Ku Xadgudubka Sheyga

Sida caruurta oo kale oo ku jirta daawaynta tiiranyada, jihaadiyiintu ma fahmi karaan qaladaadkooda. Ma ku fikiraan in ay sameeyaan wax is badal ah oo la taaban karo si ay u xaliyaan xanaaqa joogtada ah oo ay qabaan. Waxa ay qabaan waxa loo yaqaan Primitive Mental States (PMS) (G.Burgess Levine) oo ah maskax fadhiid ah. Wax naxariis ah malahan. Waxba kama nihin agtooda. Waa dilaayaal arxan laawa yaal ah. Waxba kama oga qaab dhaqameedkooda. Waxa ay kaloo jecel yihiin waxyaabaha sida qoryaha iyo miinooyinka si ay awood uga dayaan.

​

Xirirka Hooyada iyo Dhalaanka

Rumayso ama ha rumaysan; rabshadahooda iyo qaabka ay u wada xiriiraan waa qaab ay kawada siman yihiin sida in ay wadaagaan qibrad barbaarin oo isku mid ah. Maxaa yeelay waa marka ay bilaabaan miyir la’aanta iyo barashada isku duubnida ah. Waxa ay ku heshiyaan dhibaatooyin-keena. Waxay qabaan wax layiraah tiiraanyo wadaag (traumatic bonding) oo lagu yaqaan dadka dhimir-laawayaasha ah. Waa wax dhaqan ahaan aan la ogoloyn aad ayeyna u adag tahay nafsad ahaan inaad ka saarto caado dhaqameed hooyadood ay ku soo bar baarisay. Waa wax ay qibrad u yeesheen xili uusan miyirkooda dhamaystir nayn. Tani waa sababta keentay in ay had iyo jeer na dhibaateeyaan. Balse waa inaanan marnaba eeda saarin hooyada korisay ilmaha maxaa yeelay labadoodaba waa dhibanayaal. Qaabdhismeeedka guud oo ay u dhisan tahay bulshadaas ayaa ah qaab awood siinaya ragga oo dumarkana liidaya. Dadka kale ee laga tiro badan yahayna, sida qaniisiinta, waxaa loola dhaqmaa sida kuwo la mid ah dumarka waana la neceb yahay.

​

Dil sharafeed=dilka qofk kuu dhaw kadibna is dil= Isku Xidhnaan Rabshad Wadaag ah

Cunfi-dileed-gudaha ah (dil sharafeedku waxaa uu muujiyaa tiiraanyo wadaag. Tani waa sababta keentay in falal badan oo kuwaas ah ay ka dhashaan meelaha ay ku badan yihiin dhaqamada kuwa jihaad-doonka iyo dhaqamada dil sharafeedka sida qabaa’ilada iyo maafiyada iyo waxi la mid ah. 

​

Ceebta-dilitaanka Caruurta

Filimka loogu magac daray Amiirka Cagaaran, Wiilka Xamaas, ayaa sheegaya in cadowga ugu weyn uu yahay ceebta. Dhaqan ahaan Carabtu waxay leeyihin dhaqan ah in ay u daadiyaan dhiigooda si ay u dhowraan sharafta raggooda. Gabadhu haddii ay reerkooda u keento ceeb ama dhumiso sharafteeda waa la dilaa dhaqan ahaan. Kuwa diinta soo galay ee xagjirka noqda waxay ka yimaadeen qoysas ceebeeyay. Bal is waydii adiga hadii qaylada aad ku qayliso cunuga yari ay argagax ku ridayso, waa side cunug ku soo barbaaray deegaan lagu ceebeeynayo haddana hooyo ku noqda da aad u yar. Waa masiibo nagu soo socota.

​

Fikraduhu Waxay Ka Bilawdaan Mala-awaal

Waxaan curiyay erayga la yiraa The Volcanic Iceberg Mentality si aan u sharaxo ninka wanaagsan ee dariskaada ah waxa uu noqon karaa dilaa xag jir ah sidii Nidal Hassan oo dadka ku laayay Fort Hood. Nidal waxaa uu u muuqday in uu yahay nin “wanaagsan” balse wuxuu ahaa nin caro badani ka buuxday oo qarax maaggan.

​

Ideologies Arise Out Of Fantasies

Fikradaha siyaasadeed ayaa intooda badan sababa xanaaq volcano oo xad dhaaf ah. Afkaarahan ayaa inta badan waxa ay dabool u noqdaan dhibaatooyinka asaasiga ah ee jihaadiyiinta iyagoo siinaya dabool iyo cudurdaar. Xitaa nabiyadii hore waxa ay fahmeen maskaxda la qaloociyay: “Hoog waxaa leh kuwa sharka yidhaahda waa wanaag, wanaagna yidhaahda waa shar….” Ishacyaah 5:20  ​

​

95% Waxqabadka Maskaxda – Lama Filaan Bay Ku Dhacaan

(Van Rymenant, neuroscientist) 

Afkaaraha siyaasadda waa afkaaro ku dhisan shucuur iyo aaminsanaan ku bilowda si lama filaan ku ah nolosha qofka inta uu yar yahay. Afkaarahan ayaa qofka boqolkiiba 95% saamayn ku leh. Caqliga la farsameeyay gaaritaankiisa qaybta maskaxda aan ogaalka ku shaqayn ayaa ah nuxurka cimiga maskaxda. Cilmi nafsigu waa maado qaas ah oo leh macnooyin iyo calaamado u gaar ah kuwaas oo lagu garto miyir beelka. Dhammaan dhaqamada aadanaha waxa ay leeyihiin macnooyin wayn.

​

PhD-gayga Ayaa Ku Saabsan Qoraalada Islaamka

Waxaan danaynayay inaan wax badan ka barto arrimaha Bariga Dhexe. Waxay shahaadadaydii doctoratka ku saabsanayd barashada Islamka, gaar ahan Ahadith qarnigii 16th Spain.


​Waxaan qibrad u leeyahay luuqadaha Romance iyo Semitic. Professor Anwar Chejne ayaa ii ahaa la taliye. Waxa uu wax ka qoray Muslimka Spain (Jaamacadda Minnesota Press, 1974). Waxaan bartay qaababka ay u wada nool yihin dadyowga heysta diimaha kala duwan. Hase yeeshee, Professorka wax ku saabsan jihaadka kagama hadlin buuggisii taarikhda caanka ku ahaa. Xataa kagama uusan hadlin taliyihii Berber Ummayad, Tariq Ibn Ziyad, duulaankii uu ku qaaday Spain taarikhdu markay ahayd 711 A.D. kaasoo loo yaqaan jihaadkii ala dartiis. 
Ka hor inta aanan diyaarin PhD waxaan Bachelor degree gaygii koobaad ku saabsanaa Spanish and Portuguese. Mastar-kaygiina waxaan ka diyaariyay culuunta Yuhuudda (Jewish Studies). Derejada Mastar kadib waxaan bartay Spanish iyo Portuguese iyo Cibraaniga Kitaabka Yuhuudda (Biblical Hebrew), Ladino iyo Medieval Italian oo ay ku jireen German iyo Latin.     ​

​

Cilmiga Maskaxda

Kadib waxbarashadaydii waxaan mar kale jaamacadda Chicago Institute for Psychoanalysis dib uga bilaabay waxbarasho kale oo udhiganta “PhD gaygigii labaad” oo ku saabsan cilmiga maskaxda aniga oo markaas deganaa tababarna ku qaadanayay Minneapolis-St. Paul, MN. Waxaan baray talooyina siiyay kuwo qaba cudurka maskaxda. Waxaan ku taqasusay cudurada ka dhasha dhibka uu qofku maro (Post-Traumatic Stress Disorder).​


Hase yeeshee, markii Islaamiyiinta xagjirka ah ay qarax ku weerareen Lebanon sannadkii 1983 waxaan markaa daaweynayay kuwo dhibanayaal ah. Isla markiiba waxaan bilaabay in aan baaritaan ku sameeyo qaabka ay maskax ahaan iyo luuqad ahaanba u shaqeeyan dambiila yaashaan-jihaadiyinta ah. Kadib waxan bilaabay inaan ka fakaro dhibaatada maadama ay u dhaxeyso dambiile iyo dhibane

​

Somalia iyo Minnesota

Maadama aan ahaa bare, wax badana arkay, tababar caafimaad iyo ku dhaxjirka bulshada ayaa wax badan ii fududeeyay xagga shaqadayda. 2005 tii ayaa waxa i casuumay Minneapolis Sheriff McGowen  si aan 325 ciidan amni wax uga baro Islaamiyiinta xagjirta. Waxaa kale oo aan sameeyay su’aalo waydiin kuwo ku xiran xabsiyada, kuwaas oo u badnaa Soomaali iyo Suudaan. 


2007 waxaan bilaabay inaan farriimo is dhaafsano wiil iyo hooyadiis Yahuud ah oo ku dhashay kuna noolaa Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho xili xaalada dalka ay maraysay meel cakiran. Wiilkan yar ayaa wax badan oo ku saabsan dhaqanka Somalida i baray. Waxaan ka bartay xoogaa Af-Soamali ah.

​

Afqanistaan

2009 waxaan ka qalin jabiyay barnaamij la yiraa “human terrain program”, Leavenworth, Kansas, kaas oo isugu jiray ciidamada Maraykanka iyo barashada daraasaadka Afqaanistaan, ay bixisay jaamacada Nebraska, Omaha. Waxaa la’ii diyaariyay in la ii diro gobalka Helmand, Afqaanistaan. Waxaan bartay luuqadaha Dari iyo Pashto. 

 

Israa’iil

2010 anigoo fulinaya hami-nololeedkaygii ayaan u haajiray dalka Israel halkaas oo aan ka sii watay shaqadaydii. Waxaan qoray shan buug oo ku saabsan mawducan, sadax kamid ahna loo turjumay Cibraani, Faransiis iyo Spanish.​

​

Pakistan

Waxaan qayb ka ahay dadaalada loogu jiro in xiriir diblomaasi ay yeeshaan Israa’iil iyo Pakistan -labada shacab. Waxaan fursad u helay inaan noqdo qofkii ugu horeeya oo Israa’iili-ah oo si toos ah looga waraysto Islamabad. Fursadaas waxaa ii suurta geliyay Syed Peer Mudassir Shah, bishii sideedaad 2020. Waxaa iskeen baray Pakistani kale kadib markuu aqriyay buuggaygii koobaad oo magaciisu yahay The Banality of Suicide Terrorism. Waxaa uu rabay in uu u turjumo af Urdu.  

Normalizing Israeli-Pakistani Relations - Video

The Prologue to violence in early childhood - Podcast

​

Kamaqalkii Dadka Yaqaan

Aniga qibrada iyo aqoonta ugu muhiimsa ee aan u leeyahay shaqadayda waxan ka helay kuwo qibrad-nololeed u leh oo ku soo dhax koray qabiilooyinka caada dhaqameedyadaas leh. Had iyo jeer way ila soo xiriiraan si ay iigu mahad celiyaan ayna iigu sheegaan inaan si fiican ugu sharaxay wax yaabaha ay soo mareen iyo dhibaatooyinka ay kala kulmeen dhaqamada iyo deegaanada rag sharafeedka ah.

​

Waa Maxay Sababta Aan Si Qoto Dheer Ugu Eegayno?

Maxaan iskugu dhibaynaa oo an hoos ugu eegaynaa? Ama maxaan iskugu dhibaynaa inaan hoos u eegno maskax ahaan? sababtu waxa ay tahay si aad u ogaato qaabka ay u fakiraan jihaadiyiintu waxa ay ku siinaysaa aalad aad u awood badan maskaxiyan. Kaliya macno uma lahan argagaxisada balse cilmigaan waxaa uu hoos u dhigaa awoodda argagaxisada. Xigmad waxaa jirta ku saabsan in wax xun lagala cabsado dhaliisha maadaama dad badani ay xumaantaas u arkaan wanaag (Emperor's New Clothes). Sidaa awgeed, cilmigaan waxuu horseedaa waxqabad wax tar leh oo wax ku ool ah. Aqoonta nuucaan ah waxay horseeddaa nabad lagu waaro.

​

Miyaan halmar jarnaa cawska mise aayar aayar ayaan qaybta jilicsan ujarnaa?

Miyaan halmar sharta jihaadiyiinta xididada u siibnaa mise si qunyar socod ah ayaan marba xidid u siibnaa? Jawaabtu labada midoodna ma ahan laakin waa labadoodaba maxaa yeelay waa isku milan yihiin, sidaa darted waxaa loo baahanyahay fikrad wax ku ool ah oo waarta. ​

​

Gabogabadii

Ugu danbayntii anigoo ayeeyo u ah todobo caruur ah, waxaan rajo wayn ka qabaa caruurtina iyo tayda. Dhibaatadan waa mid la xalin karo ama laga hortagi karo. Waxbarashada waa waxa ugu muhiimsan. Inkastoo aysan jirin wax cad am xal mucjiso ah oo berri la gaari karo, macquul ma ahan inaan gacmaha isi saarano maxaa yeelay mustaqbalkeena iyo kan kuwa naga dambeeya ayaa ku xiran. Ha ka quusan in aad dadaasho. Nakeena!

My Books For The Deep Dive

The Banality of Suicide Terrorism: The Naked Truth About the Psychology of Islamic Suicide Bombing

The Banality of Suicide Terrorism: The Naked Truth...

(English Edition)

Penetrating The Terrorist Psyche

Penetrating The Terrorist Psyche

​

The Banality of Suicide Terrorism: The Naked Truth About The Psychology of Islamic Suicide Bombing (Hebrew Edition)

The Banality of Suicide Terrorism: The Naked Truth...

(Hebrew Edition)

The Last Two Jews of Mogadishu: Living Under Al Shabaab's Fire

The Last Two Jews of Mogadishu: Living Under Al Shabaab's Fire

The Maternal Drama of the Chechen Jihadi

The Maternal Drama of the Chechen Jihadi

​

The Jihadi Dictionary: The Essential Intel Tool for Military, Law Enforcement, Government and the Concerned Public

The Jihadi Dictionary: The Essential Intel Tool for Military, Law Enforcement...

"Peace will come when they love their children more than they hate us."

Golda Meir

IMG_1522.jpeg

Golda, Ben Gurion and Me

Thanks for submitting!

Contact
bottom of page